Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Odayaal Lagu Dilay Shabeellada Dhexe


Ciidamada dowlada Somaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom ayaa saacadahii hore ee maanta waxaa ay Al-shabab kala wareegeen gacan ku haynta dagmada Aadan Yabaal ee Gobalka Shabellada dhexe sida ay sheegayaan dadka degaanka .

Ciidamada huwanta ayaa qabsaday iyagoo aan wax iska caabin ah la kulmin ka dib markii ay Al-shabab isaga baxeen dadka shabacbkana ku amreen in ay magaalada ka barakacaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo la hadlay dad magaalada joogay ayaa u sheegay in ciidamada aysan dib uga bixi doonin halkaasi.

Ilo xog ogaal ah ayaa VOA u sheegay in markii ay Al-shabab ka baxayeen ay duleedka Aadan Yabaal ku dileen 4 Qof oo ay ku eedeyeen in ay ahaayeen basaasiin.

Amisom iyo ciidamada Dowlada ayaa mudo bil ka hor qabsaday degmada Aden Yabaal balse maalmo ka dib ayeey dib hadana uga baxeen iyagoo aan sheegin wax sabab ah.

XS
SM
MD
LG