Isku xirrada

Ciidamada DF Iyo Ajaaniib Weeraray Al-Shabaab


Shabaab

Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada wadajir ah ayaa saaka arroortii weerar ku qaadeen tuullooyin hoos yimaada degmada Afgooye.

Ciidamo kumaandoos ah oo wata helikobtarro ayaa duqeeyay tuulloyinka Sabiid, Caanoole, Baladul Amiin iyo Moordiinle, oo dhammaantood hoos yimaada degmada Afgooye.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa VOA u sheegay in ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ay weerar kala kulmeen al-Shabaab, xilli ay isku dayayeen inay qaadaan isbaarro.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada Marykanku ay si ay u difaacaan ciidiankaa Uganda ay gantaallo ku garaaceen tuullooyinka al-Shabaab.

Sarkaal Soomaali ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Ciidamada gaarka ah ee Somalia ee loo yaqaan Alpha oo ka baxay magaalada Muqdisho ay iyaguna tuullooyinkaaasi gaareen oo muddo kooban qabsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus oo halkaasi ku dhexmaray cidamada wadajirka ah iyo maleeshiyada al-Shabaab. Sarkaalka Soomaaliga ah ayaa sheegay in 7 ka tirsan al-Shabaab la dilay, markii helikobtarada Maraykanku ay gantaallo ku burburiyeen saddex baabuurta al-Shabaab ah ah.

Ururka al-Shabaab ayaa iyagu dhinacooda sheegay inay iska caabiyeenka howlgalka wadajir ah.

Haddaba, Guddoomiye ku xigeenka degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan ayaa Caasho Cuud ay galabta wareystay, waxayna weydiisay wuxuu kala socda dagaalka.

XS
SM
MD
LG