Isku xirrada

Ciidamada Dowladda Oo "Dilay 15 Shabaab"


Shabaab

Shabaab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo qorshaysan ka xalay fuliyay deegaanka Geed Timir oo qiyaastii 15km u jira Deegaanka Galcad ee Gobolka Galguduud, oo qiyaastii 380 km dhinaca waqooyiga kaga beegan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha deeganka Galcad Qadar Maxamed Cali ayaa VOA u sheegay in ciidamada dowladda Somalia ee sida qaaska ah u tababaran oo aaney cidina wehlin ay howlgalkaasi fuliyeen, iyagoo beegsaday saldhig weyn oo ay weerarada ka soo qorsheyn jireen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyhu waxa uu sheegay in weerarkaasi ay ciidamadii fuliyay ku dileen 15 ka mid ah Maleeshiyaddii Al-Shabaab ee weerarka lagu kadiyay.

Gobolka Galguduud, gaar ahaan deegaanno badan oo hoos taga degmada Ceel Buur waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ka socday howlgallo ay Ciidamada Xoogga Dalka Somalia iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM ay Al-Shabaab kaga qabsadeen deegaano iyo tuulooyin ay ka talinayeen.

XS
SM
MD
LG