Isku xirrada

Baghdad: Qarax Ay Ku Dhinteen 50 Qof


Dad isugu soo ururay goobta qaraxa uu ka dhacay

Dad isugu soo ururay goobta qaraxa uu ka dhacay

Qarax babauur oo maanta ka dhacay suuq ku yaalla xafada Shiicada ee woqooyiga magaalada Baghdad, ayaa dilay in ka badan 50 qof.

Qarax ayaa ruxay suuqa oo ku yaalla xaafadda Sadr, xilli ay dadka shaqo tagayeen aroortii hore.

Isbitaalada iyo saraakiisha amniga ayaa sheegay inay ka cabsanayaan in dhimashada ay kororto. Ugu yaraan 40 qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarka.

Baabbuur kale iyo dhismooyin ka dhow goobta ayaa sidoo kale si xoog leh ay waxyeello u gaartay, sida ay sheegeen saraakiisha.

Kooxda Daacish ayaa durbaba sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxdan ayaa inta badan weeraro xooggan ka fulisa magaalada Baghdad, gaar ahaan goobaha ay Shiicadu ku badan yihiin.

Daaciish waxay sheegtay in weerarka maanta uu fuliyey qof ismiidaamiyey, hase yeeshee saraakiisha Ciraq waa ay beeniyeen arrintaas.

XS
SM
MD
LG