Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Philippine Oo Dooratay Madaxweyne Cusub


Philippine presidential race front-runner Davao city mayor Rodrigo Duterte gestures during his final campaign rally in Manila, Philippines, May 7, 2016.
Philippine presidential race front-runner Davao city mayor Rodrigo Duterte gestures during his final campaign rally in Manila, Philippines, May 7, 2016.

Rodrigo Duterte duqa magaalada Davao ee koonfurta Philippine ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi, kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashadii shalay dhacday.

Rodrigo, wuxuu helay ku dhawaad 6 malyuun oo cod, oo ka badan codadka ninka isaga ku soo dhow oo ah, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Mar Roxas.

Rodrigo, wuxuu u sheegay wakaalada wararka ee Faransiiska inuu si khusuuc leh u aqbalay “ Mas’uuliyadda ay dadku saareen”

Rodrigo, waa 71 jir, wuxuuna taageerada badan ku helay haddalladiisa kulkulul, isagoo ballanqaaday inay dagaal adag la gali doono oo uu daldali doono kooxa danbiilayaasha iyo musuq-maasuqa.

Senatorada Grace Poe, oo dhawaanhay iyada iyo Rodrigo ay safka hore uga jireen cod uruurin la sameeyay, ayaa qiratay goor danbe oo shalay ahayd in doorasahada laga adkaaday oo kaalinta saddexaad ay gashay, waxayna sheegtay inay ku qanci doonto natiijada, sidoo kalena la shaqeyn doonto Rodrigo.

Rodrigo, wuxuu wakhti hore sheegay in haddii uu noqdo madaxweynaha Filipiin, uu raadin doono waddahallo dhinacyo badan oo lagu xallinayo muranka ku aadan badda koonfurta Shiinaha.

Wasaaradda Arr. Dibedda Maraykana, ayaa afhayeen u hadashay shalay ay sheegtay inay dowladda Maraykankau ay u hambalyeynaso dadka reer Filipiin sida ay u qabsadeen doorashoo loo dhan yahay oo dimoqraadi ah.

XS
SM
MD
LG