Isku xirrada

Soomaaliya Oo Lagu Wareejiyey Qalab


Golaha Wasiirada Soomaaliya

Golaha Wasiirada Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay qalab lagu soconayo saadaasha hawada iyo dayuuradaha isticmaalaya hawada Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay qalab lagu soconayo saadaasha hawada iyo dayuuradaha isticmaalaya hawada Somalia.

Ururka IGAD iyo Hey’adda caalamiga ah ee duulimaadka rayidka ICAO oo maamulka hawada Somalia gacanta ku heysay wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Somalia, ayaa gacan ku siiyey dowladda Soomaaliya in qalabkan lagu wareejiyo.

Qalabkan lagu wareejiyay dowladda, ayaa qeyb ka ah heshiis bishii december ee sanaddii 2014-kii ay dowladda Soomaaliya iyo ICAO kala saxiideen, kaasoo lagu hirgelinayo qorshe kama dambeysta Soomaaliya ay kula wareegeyso maamulka hawadeeda.

Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa arrintan ka wareystay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac Jangali.

XS
SM
MD
LG