Isku xirrada

War Deg-Deg ah

David Cameroon Oo U Digay Shacabka UK


David Cameron
David Cameron

David Cameron ayaa kaga digay in hadidi Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, ay sare u qaadi doonto halis dagaal.

Ra’iisul wasaraaha Britain David Cameron ayaa khudbad uu maanta jeediyey waxa uu kaga digay in haddii Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, ay sare u qaadi doonto halis dagaal.

Cameron ayaa waxa uu maanta jeediyey khudbad weyn oo dhinaca amniga ah, ayada oo Britain ay afti u qaadeyso 23-ka bishan June inay ka baxaan Midowga Yurub ama inay kasii mid ahaadaan.

“Ma xaqiijin karnaa in nabadda iyo xasiloonida qaaraddeena ay noqdaan mugdi iyo shaki la’aan, taasi ma tahay fursad aan qaadan karno, kuma deg deg lahayn taas” ayuu yiri Cameron.

David Cameron ayaa ku dooday in Midowga Yurub ay horey caawimaad uga geysteen inay meesha ka saaraan rabshado dhici lahaa mararka dalalka qaar ay ku sigteen inay isku dhacaan.

“Gooni u socodnimada ma ahan, wax dalkan marnaba dan u ah” ayuu yiri.

Cameron waxa uu sidoo kale ka digay cawaaqibka dhaqaale ee ka dhalan kara haddii Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in qoys kasta uu sanadkii lumin doono 6,200 oo dollar kahor sanadda 2030.

XS
SM
MD
LG