Isku xirrada

Xabbad Joojinta Syria oo Waqtiga Loo Kordhiyay


OId Aleppo, Syria

OId Aleppo, Syria

Xukumadda Russia ayaa sheegtay inay dhex dhexaad ka gashay in xabad joojinta Syria waqtigeeda lagu daro 72 saacadood, gaar ahaan magaalada Aleppo, halkaas oo dagaal dhawaan ka dhacay, oo u dhaxeeyay xukumadda Syria iyo mucaaradku ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof.

Wakaaladda Wararka u faafiso Ruushka ee Interfax ayaa sheegtay in xabad joojin laba maalmood socotay, oo waqtigeedu ku ekaa Gelinka hore ee Sabtida maanta ah saacadda Syria la kordhiyay oo la gaarsiiyay 72 saacadood, ka dib markii uu ruushka u kala dab qaaday labada dhinac.

Wakaalada Wararka Ruushka ee Interfax waxey sheegtay in wasiirka difaaca ee xukumadda Mosco uu sidoo kale ku dhawaaqay in xabad joojintii ka jirtay gobolka waqooyiga ku yaala ee Latakia Iyana la balaariyay oo lagu daray 72 saacadood si la mid ah Aleppo.

XS
SM
MD
LG