Isku xirrada

Roobabkii Gu'ga Oo Ka Curtay Somaliland


Maxamed Aw Daahir

Maxamed Aw Daahir

Kadib abaaro xoogan oo billihii la soo dhaafayba ka taagnaa Somaliland kuwaasi oo saameeyey dad iyo duunyaba ayaa hada waxaa ka da’aya roobakii gu’ga.

Dowladda Somaliland waxay sheegaysaa in xaddiga roobka ee sanadkan da’ayaa uu ka badan yahay kuwii sanadihii hore la heli jiray, iyagoo sidoo kalena sheegay inay dhinac beer falashada ka caawin doonaan toddoba kun iyo sagaal boqol oo qoys oo ku dhaqan toddoba dagmo.

Wasiirka beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac u waramay ayaa sidoo kale beeralayda ugu baaqay inay roobka da’aya ka faa’iidaystaan.

XS
SM
MD
LG