Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safiirada Golaha Amniga oo Somalia Booqanaya


Safiirada Golaha amniga ee QM ayaa bishan May safar ku tagaya dalka Soomaaliya, si ay uu taageerraan doorashada la filayo in bisha August ay ka dhacdo dalkaasi, sidaasi waxaa sheegay Camar Aboulatta safiirka Masar ee QM oo ah madaxweynaha golaha ee xilligan.

Wakaaladda AFP ayaa qortay in 15 wakiil ee xubnaha ka ah Golaha Amniga ay Nairobi tagayaan bshian May 17-21, iyagoo sidoo kale Qaahira kulammo kulan yeelan doona jaamacadda CArabta.

Safiirka Masar ee QM wuxuu sheegay in “Goluhu uu u tago Somalia uu u gudbiyo taageerrada golaha ee ku aadan doorashada.

Xasan Sheekh, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir gaar ah oo New York ka dhacay bishii hore wuxuu Golaha Amniga ee QM siiyay warbixin ku saabsan Somalia.

XS
SM
MD
LG