Isku xirrada

Leicester City oo Horyaalka Ingiriiska Qaaday


Kooxda Leicester City ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda waxay ku guuleysatay horyaalka kubadda cagta ee Ingiriinska, kadib markii kooxda Tottenham ay barbar dhac la gashay Chelsea.

Kooxda Leicester City oo la aas-aasay muddo haatan laga joojo 132 sano, guusha ay koobka ku guuleysatay uu u yahay mid taariikhi ah.

Kooxdu waxay ka mid ahaan jirtay kooxaha yar-yar ee horyaalka, waxaana qeybta koowaad ee horyaalka (Serie A) ay soo gashay laba sano ka hor, iyadoo sannadkii hore dirqi uga bad-baaday inay dib ugu noqoto heerka labaad ee (Serie B)

Kooxda Leicester City ayaa waxaa la sheegaya in sannadkiiba ay mushahar ahaan u bixiso lacag dhan 48 malyuun oo Gini, halka kooxaha kale ee waaweyn ay sannadkiiba mushahar ahaan u bixiyaan in ka badan 200 malyuun oo lacagta Giniga Britain.

XS
SM
MD
LG