Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Donald Trump Oo Dhalleeceeyey China


Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uusan “sii wadi karin in China uu ogolaado inay kufsato dalkeena”,

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uusan “sii wadi karin in China uu ogolaado inay kufsato dalkeena”, isaga oo ballan qaaday inuu dib u eegi doono xiriirka Mareykanka ee dunida.

Trump ayaa ku cel-celiyey farqiga ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo China ku eedeeyey inay ka faa’iideysaneyso Mareykanka, wuxuuna sheegay in khibraddiisa dhinaca ganacsiga ay ka saacidi doonto inuu meesha ka saaro ganacsiga aan sinneyn ee ka dhaxeeya labada dal.

“Waan beddeli doonnaa arirntan” ayuu Trump u sheegay dadweyne uu kula hadlay gobolka Indiana, isaga oo intaas ku daray “Waxaan leenahay awood aan kula macaamilno China”.

Doorashada talaadada ka dhaceysa gobolka Indiana ayaa muhiim u ah cidda kasoo dhex bixi doonta xisbiga Jamhuuriga, ee bisha November madaxtinimada Mareykanka kula loolami doonta musharaxa xisbiga Dimoqraadiga.

Codbixinno dhinaca ra’yiga ah oo ay sameeyeen NBC News/Maristayaa muujinaya in Trump uu 15 dhibcood boqolkiiba ka horreeyo Senator Ted Cruz oo ah musharaxa kusoo dhow.

XS
SM
MD
LG