Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyay Badda Cas


somli1
somli1

Fiidnimadii xalay waxaa dekedda Boosaaso soo gaaray 92 qof oo tahriibayaal ah, oo ay mudo 5 cisho ah dul sabeynayey badda u dhexeysa Soomaaliya iyo dalka Yeman, kadib markii ay xumaatay doonidii ay la socdeen waxaana soo badbaadiyey markab ka tirsan kuwa isbahaysiga NATO ee ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad badeeda.

Dadkan tahriibayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa 7 qof oo Soomaali ah oo ay ku jirto haweeney uur leh iyadoo 85 kalena ay u dhasheen dalka Itoobiya,

Xaalada caafimaad ee dadaas ayaa ah mid wanaagsan, marka laga reebo haweeneyda uurka leh oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaal magaalada Boosaaso.

XS
SM
MD
LG