Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dad Ku Dhaawacmay Masjid Dumay


Muqdisho
Muqdisho

Ugu yaraan 30 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen kuwo kalena ay weli ku hoos jiraan burburka dhismaha masaajid soo dumay, deegaanka Garasbaaley.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in masaajid uu dhisme ku socday oo ku yaalla deganaka Garasbaaley ee degmada Hodan uu soo dumay, xilligii salaadda Jimcaha.

Khadiibka masaajidkaasi Sheekh Maxamed Xaashi Faarax ayaa idaacadda VOA u sheegay in masaajidka uu kusoo dumay dhisme lagu ballaadhinayo ayna ku sugnaayeen ilaa 200 oo shaqaale ah oo ku waday shub.

Masaajidka ayaa soo dumay xilli ay shaqaalaha isku diyaarinayeen salaadda iny tukadaan, sida uu idaacdda VOA u sheegay Sheekh Maxamed.

Ugu yaraan 30 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen kuwo kalena ay weli ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Muqdisho: Masaajid soo dumay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:37 0:00

XS
SM
MD
LG