Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban Oo Sharciyada EU ee Qaxootiga Dhaliilay


Ban oo la hadlaya baarlamanka Austria
Ban oo la hadlaya baarlamanka Austria

Baarlamaanka dalka Austria ayaa meel mariyey sharciyadii ugu adkaa ee Yurub ay ka soo saarto arrimaha socdaalka iyo in la xiro xadka uu dalkaasi la leeyahay Talyaaniga.

Ban Ki moon waa marti sharafkii ugu horeeyey ee ajnabi ah ee khudbad ka jeediya kulan uu leeyahay baarlamaanka dalka Austria.

Mr. Ban ayaa welwel muujiyey maalin ka dib markii mudanayaasha baarlamaanka ee dalkaasi ay meel mariyeeen sharciyadii ugu adkaa ee Yurub ay ka soo saarto arrimaha socdaalka.

Baarlamaanka ayaa go’aamiyey in la xiro xadka uu dalkaasi la leeyahay Talyaaniga.

Mr. Ban ayaa Austria booqday, dalkaas oo doorashada madaxtinimo oo dhawaan dhacday uu Norbert Hofer oo ah nin siyaasadiisu midigta jirto, dadka soogalootiga ahna ka soo jeeda uu ku ku guuleystay saddex meeloodo hal meel codadkii dadka.

Doorashada oo lagu celinayo ayaa bisha dambe dhacaysa. Ban Ki moon oo arrimaha socdaalka ka hadlaya ayaa sheegay inuu dareen adag ka qaaday naceybka loo hayo dadka ajaanibta ah.

Waxa uu yiri “waxa I cabsi galiyey naceybka sii kordhaya ee ka jira halkan iyo meelaha ka baxsan dalalka Yurub, kaas oo hadda la yimid siyaasado adag adag oo dhinaca socdaalka iyo qaxootinimada ah iyo waliba halbeegyo diraya fariimo taban oo la xiriira sharciyada dalalka, kuwa hay’addaha caalamiga ah iyo waliba kuwa Yurub.”

Mr. Ban ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dood furan oo Yurub ka dhacda, taas oo ku saabsan is dhexgalka. Waxa uu sheegay in hogaamiyeyaasha Midowga Yurub uu ugu baaqayo inay ilaaliyaan mabaadi’dii horay iyaga u hagayey.

Sharciga cusub ee Arbacadii uu baarlamaanka Austria meel mariyey ayaa qoraya in muhaajiriinta xadka laga celin karo saacad gudaheed, haddii sharcidejiyeyaashu ay u arkaan in nidaamkii guud khatar la galiyey.

Dalka Austria waxa uu inta badan ahaa wadiiqad ay Jarmalka ugu gudbaan qaxootiga iyo muhaajiriinta ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika. Hase yeeshee, dalkaas ayaa isagu haya ilaa 100 kun qof oo magangelyo doon ah ilaa xagaagii hore.

Iyada oo bilowgii dawladda dalkaasi ay soo dhaweysay qaxootiga, haddana waxay tirada dadka magangelyo doonka ee ay qaadanayo ku ekaysay 37,500. Ilaa bishii January, dalkaasi waxa soo gaaray in ka badan 16 kun oo dacwadood.

Austria ayaa sharciyo ad-adag ku soo rogtay isu socodka, sida iyada oo bishii hore wadashaqeyn xiridda xuduudaha la sameysay dalalka Balkanska. Hadda waxa dawladda dalkaasi ay isu diyaarinaysaa xakameyno adadag oo laga hirgaliyo xadka u dhexeeya Ausria iyo Talyaaniga ee Brenner Pass Alpine.

XS
SM
MD
LG