Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'addda TSA Oo 'Beegsatay Soomaalida'


Wargeyska New York Times ayaa qorey eedeymo ku saabsan in Maamulka Amaanka Gadiidka ee loo yaqaano TSA ee Mareykanka uu si gaar ah u beegsaday Soomaalida.

Wargeyska New York Times cadadkiisii shaley ayaa qorey eedeymo ku saabsan in Maamulka Amaanka gadiidka ee loo yaqaano TSA ee Mareykanka uu si gaar ah u beegsaday dadka Soomaalida ah.

Isagoo soo xiganaayey maamule ka tirsan hay’ada TSA, ayuu wargeysku sheegay in madaxii isaga ka sareeyey uu ku amray inuu usoo gudbiyo magacyada dad Soomaali ah oo uu la kulmayey si looga hubiyo in ay ku jiraan liiska qaran ee dadka la tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin argagixisada.

Xafiiska xuquuqda iyo xoriyada madaniga ah ee hay’ada ammaanka gudaha ee Homeland Security ayaa sheegtay in ay furtey baaritaan arrintan ku saabsan.

Sidoo kale mudanaha aqalka Congress-ka ee laga soo doorto gobolka Minnesota Keith Ellison ayaa qoraal uu u direy xoghayaha hay’adda amaanka gudaha oo ay VOA heshey nuqul ka mid, waxa uu uga codsaday in ay hayadiiisu baaritaan ku sameyso dhacadaas la sheegey in lagu takooray Soomaalida Mareykanka ee gobolka Minnesota.

Falastin Axmed Iiman ayaa Xaashi Shaafi oo madax u ah hay’ada Somali Action Alliance waxa ay weydiisey sida ay dareemeen Soomaalida markii uu soo baxay warkan?

Wareysi Xaashi Shaafi
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:26 0:00

XS
SM
MD
LG