Magaalada Nairobi ayaa waxaa shalay lagu soo gaba gabeeyay shir ay lahaayeen dowladda Kenya iyo mid ka mid ah beelaha dega gobolka Gedo ee xuduudda Kenya.
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka qeyb galay kulankaas ayaa VOA-da u sheegay in kulanka looga hadlayey amniga xuduudda labada dal, iyo kaalinta beelaha dega gobolka Gedo ay arrintaas ka qaadi karaan.
Shirkaasi iyo wixii looga hadlay waxaa warbixintan nooga soo dirtay wariyeheenna Maryan Maxamud Barre Maryan Qalanjo, oo ku sugan magaalada Nairobi.