Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda Oo 8 Askari Laga Dilay


Ciidamada dowladda (sawir hore)
Ciidamada dowladda (sawir hore)

Ugu yaraan siddeed ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen dagaal ay la galeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday 5-tii subaxnimo saaka kadib markii maleeshiyo hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhigga ciidamada dawladda ee Daynuunay oo 18-km dhinaca bari ka xigta magaalada Baydhaba.

Saraakiil ka tirsan dawladda iyo goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in ciidamada dawladda ay weerarkaas iska caabiyeen.

Wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa VOA u sheegay in ciidanku ay heleen xog ku saabsanayd in weerar kusoo socdo.

Intii uu weerarkaasi socday ayaa la sheegay in ciidamo ka socda dawladda oo gurmad ahaan looga diray magaalada Baydhaba ay la kulmeen weerar kedis ah, ayaga oo maraya meel ku taala duleedka magaalada halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay khasaaraha nafeed badankiisa.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa VOA u sheegay inay aamisan yihiin in weerarka Al-Shabab uu daba socday hawlgal ay sameeyeen ciidamada dawladda maalintii Axaddii oo lagu dilay maleeshiyada Al-Shabaab, hawlgalkaasi oo ka dhacay agagaarka magaalada Buur Hakaba.

XS
SM
MD
LG