Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cali Khaliif oo Hadalkii Puntland Cambaareeyey


Cali Khaliif Galayr
Cali Khaliif Galayr

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inaanay Puntland wax shuqul ah ku lahayn soo xulista xildhibaannada ka imanaya Khaatumo.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in maamulka Puntland aanu wax shuqul ah ku lahayn soo xulista xildhibaannada cusub ee ka iman doona deeggaannada maamulka Khatumo ku abtirsada.

Cali Khaliif Galeydh wuxuu kaloo sheegay in maamulkiisu aanu qeyb ku yeellan doonin soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelan doonto.

Hadalka Cali Khaliif Galeydh ayaa jawaab u ah madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu sheegay in isimada Puntland ay soo xuli doonaan xildhibaannada Sool iyo Sanaag ka iman doona.

Haddaba Cali Khaliif ayaa waxaa khadka taleefonka ku wareystay Ismaaciil Farjar.

Waraysiga Cali Khaliif
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:50 0:00

XS
SM
MD
LG