Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Booqasho ku Maraya dalka Jarmalka


Germany Obama
Germany Obama

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa booqasho ku maraya dalka Jarmalka, halkaas oo la filayo inuu kulan kula yeesho Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayna ka wada hadlaan dhaqaalaha dunida, Argagixisada, iyo qodobo kale inta uu socdaalka ku joogo dalka Jarmalka.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale booqday dalka Britian halkaas oo ay ka wada xaajoodeen arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay Ganacsigu.

Inta uu joogo Jarmalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo Carwo Ganacsiyeed lagu soo bandhigo arrimaha Teknoolojiyadda Casriga ah, taas oo la filayo inay ka qayb galaan illaa 6500 oo ganacsato ah iyo in ka badan 200,000 oo dadweyne booqanaya carwadan. Waxaan dadkani ka kala socdaan illaa 70 waddan.

Aqalka Cad ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay in carwadani ay muujinayso muhiimadda iskaashiga ee Jarmalka iyo Maraykanka gaar ahaan dhinaca Ganacsiga iyo dhinacyo kaleba.

XS
SM
MD
LG