Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo Qabatay Baabuur Iyo Dabley


Muqdisho
Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada hay'adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA (National Intelligence And Security Agency) ay qabteen gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan agagaarka isgoyska Cali Kamiin.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in gaarigan uu weerar ku ahaa mid ah maqaayadaha laga cunteeyo ee aagga KM4, Mas’uuliyiintu ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

Baabuurka laga soo waxyaabaha qarxa ee la qabtay ayaa la sheegay inuu goor dambe qarxay xilli ay baadhitaan ku wadeen khubarada dhianca qaraxyada. Laba qof ayaa ku dhaawacmay oo midkood yahay ciidamada amiga kan kalena sawir-qaade.

Warar hore oo soo baxay ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay qabteen baabuur labaad, hase yeeshee taasi weli mas’uuliyiintu ma aysna xaqiijin.

Laba asbuuc ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale xili habeen ah ay ciidamada Nabad-sugida magaalada Muqdisho ku qabteen gaari kuwa rakaabka ah oo ay saarnaayen hoobiyaal la sheegay in isla habeenkaasi lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG