Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Tahriibayaal lagu Qabtay Garoonka


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

11 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo kusii socday magaalada Qaahira oo qorshahoodu ahaa inay usii tahriibaan Yurub, ayaa lagu qabtay garoonka Muqdisho.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabatay 11 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo kusii socday magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Dadkan ayaa mas’uuliyiinta hay’adduu waxa ay sheegeen in qorshahoodu ahaa inay dalka Masar uga sii tahriibaan Yurub.

Agaasimaha hay’adda socdaalka Cabdullaahi Gaafow ayaa sheegay in dhallinyaradan ay wateen Visa been abuur ah, ayada oo dalkan looga saarayey qaab cayaaratoy ahaan ah.

Dadkan ayaa waxaa hoggaaminayey, sida uu sheegay Gaafow, nin muqalas ah oo haysta baasaboorka dalka Australia, kaasi oo hore laba koox oo kale dalka ka dhoofiyey.

Ninka muqalaska ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Caydaruus Shariif, ayaa la sheegay in dadka uu kaxeynayey ka qaatay lacag badan.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Muqdisho.

Tahriibayaal lagu xiray garoonka Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:33 0:00


XS
SM
MD
LG