Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Oo Ka Hadlay Tahriibka


Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood badaha ku dhammaanaya.

Wareysi uu siiyey VOA, ayuu madaxweynaha ku sheegay in tahriibka ay keeneen duruufo dalka ka Soomaaliya ka jiro, dowladda Soomaaliyana ay qeyb ku leedahay mas’uuliyadda, maadaama ayada ay dalka mas’uul ka tahay.

Duruufaha ugu weyn ee keenaya tahriibka ayuu madaxweynaha ku sheegay dhaqaale la’aanta dalka iyo shaqo la’aanta.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay bixiso shaqooyin badan oo ay tahay hay’adda ugu weyn ee dadka shaqaaleysa, balse aysan wada dabooli karin baahida oo aysan dadka wada shaqaaleyn karin.

Waxa uu sheegay in dadka tahriibaya aysan necbeyn dalkooda, oo aysan ka carareyn, balse ay fursadaha dalka ka jira oo yar dartood ay tani ugu wacan tahay.

Madaxweyne Xasan waxa uu sidoo kale difaacay waalidiinta Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inaysan guryahooda iyo dahabkooda u iibin in ilmahooda ay badaha ku dhammaadaan, balse duruufo badan ay qasbayaan arrimaha qaar.

Madaxweynaha oo ka hadlay Tahriibka
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:59 0:00

XS
SM
MD
LG