Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyen Xasan Oo "Mar Kale Is-Sharxaya"


Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu mar kale yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu mar kale yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya, doorashda dhaceysa dabayaaqada sanadkan.

Madaxweynaha oo wareysi siiyey VOA-da ayaa xaqiijiyey inuu mar kale ka qeyb galayo doorashda.

Madaxweynaha oo madaxa VOA Somali Cabdiraxmaan Yabarow uu weydiiyey waxa uu sameyn doono oo ka duwan wixii hore uu u qabtay, ayaa ku gaabsaday inuu la iman doono qorshe marka la gaaro xilliga doorashada.

“Sidii markii horeba aan ula imid ajandehii lixda tiir oo wax badan ay ka dhaqan galeen, ayaan doorashadanna marka la gaaro waxaan la iman doonaa qorshaheeda” ayuu yiri madaxweynaha.

Wareysiga uu madaxweynaha siiyey VOA ayaa ah markii ugu horreysay oo uu si rasmi ah ugu dhowaaqo inuu dib isu soo taagi doono.

Madaxweyne Xasan
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:00:27 0:00

XS
SM
MD
LG