Isku xirrada

Soomaalidii Tagtay Greece oo La Fasaxay


Muhaajiriin Soomaali ah oo la geeyay dalka Giriiga ayaa loo fasaxay inay muddo lix bilood ah joogi karaan dalkaasi.

Weli waxaa yar faahfaahinta rasmiga ah ee laga helayo shilkii todobaadkan la sheegay inay ku dhinteen boqolaal dhallinyaro African ah oo Somali u badneyd, kuwaas oo doonyo ay kula qalibmeen badda Meditareeniyaanka.

Dadkaasi ayaa waxaa ay kusii jeedeen dalka Giriigga, si ey ugu sii gudbaan Yurubta galbeed.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii shilkaasi ka badbaaday ee la geeyay dalka Giriiga ayaa loo fasaxay inay muddo lix bilood ah joogi karaan dalkaasi, wariyeheenna Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka taleefanka kula xiriiray.

XS
SM
MD
LG