Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Sharciyada Horyaalla Baarlamanka Somalia


Xildhibaanada Soomaaliya
Xildhibaanada Soomaaliya

Ayada oo waqti kooban uu u haray xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, ayaa waxaa horyaalla sharciyo badan oo u baahan in la ansixiyo.

Baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waqtigiisu uu gabaabsi yahay, ayada oo xildhibaanada iminka jira waqtiga la doortay uu ku eg yahay bsiah September ee sanadkan 2016.

Baarlamanka oo dhowaan furay kalfidhgii 8-aad ahna kii ugu dambeeyey ayaa waxaa horyaalla sharciyo badan oo u baahan in la ansixiyo waqtiga koobaan ee u haray.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in sharciyo badan la ansixin karo, hase yeeshee ay jiraan sharciyo xildhibaanada ay aad isugu khilaafsan yihiin, taasi oo ay adkaan doonto in lagu ansixiyo waqtigi kooban ee haray.

Sharciyada la filayo in sida aadka ah la isugu qabto ayaa ah kuwa la xiriira doorashada 2016.

Weriyaheena Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan ku eegaya waqtiga u haray xildhibaanada baarlamanka iyo sharciyada horyaalla.

Warbixin: Sharciyada Horyaalla Baarlamanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:43 0:00

XS
SM
MD
LG