Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Jabuuti Oo Diiday Go'aanka Golaha Dastuurka


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Golaha Dastuurka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu helay 87 boqolkiiba codadka la tiriyey ee doorashadii dhacday 8-dii April.

Xisbiyada mucaaradka dalka Jabuuti ayaa ku gacan seeray go’aan shalay kasoo baxay golaha dastuurka oo si rasmi ah u sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guuleystay doorashadii dhacday sideeddii bishan April.

Golaha Dastuurka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu helay 87 boqolkiiba codadka la tiriyey ee doorashadii dhacday, sidaasna uu ku guuleystay.

Maxamed Muuse Tuurtuur oo ka mid ah mucaaradka ayaa sheegay inay filayeen go’aanka golaha dastuurka, oo uu ku eedeeyey inay ka eexdeen shacabka Jabuuti, oo ay la safteen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Cumar Cilmi Kheyre ayaa isna sheegay in golaha dastuurka uusan sharci ahayn, sidaas darteedna aysan jirin wax ay sharciyeyn karaan.

Dowladda Jabuuti ayaa diiday inay jawaab ka bixiso warka maanta kasoo baxay mucaaradka.

Ramadaan Muuse ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Jabuuti.

Warbixin: Doorashada Jabuuti
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:34 0:00

XS
SM
MD
LG