Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump iyo Clinton oo ku Guuleystay New York


Trump ayaa helay 60 boqolkiiba codadka Jamhuuriga, halka Clinton ay ka heshay 57 boqolkiiba codadka Dimoqraadiga.

Maal qabeenka Donald Trump iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii ka dhacday gobolka New York, ayaga oo sii dheereeyey hoggaankooda kuwa la loolamaya.

Ayada oo inta badan codadka la tiriyey ayaa Trump waxa uu ku guuleysatay 60 boqolkiiba, halka John Kasich uu kaalinta labaad ku galay 25 boqolkiiba, ayada oo Senator Ted Cruz uu helay kaliya 15 boqolkiiba codadka xisbiga Jamhuuriga.

Dhinaca xisbiga Dimqoraadiga, Clinton ayaa 57 iyo 42 boqolkiiba codadka kaga adkaatay Senator Bernie Sanders.

Musharaxiinta ayaa isku dayaya inay helaan tirada ugu badan wufuudda codeyneysa marka kulamada xisbiyada ay dhacaan bisha July, si ay u noqdaan musharaxiinta xisbiyadooda u matalaya doorashada guud ee bisha November.

Trump ayaa u mhada celiyey taageerayaashiisa isaga oo sheegay in toddobaadkan uu ahaa mid cajiib ah.

Waxa uu saadaaliyey inuu noqon doona musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada November, wuxuuna ku dhowaaqay in Ted Cruz uu tartanka ka haray maadaama xisaab ahaan uusan heli karin tirada wufuudda loo baahan yahay ee ah 1237.

XS
SM
MD
LG