Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dilma Rousseff oo Xil ka Qaadis Wajaheysa


Dilma Rousseff
Dilma Rousseff

Madaxweynaha Brazi Dilma Rousseff ayaa wacad ku maraysa inay dagaal “ dheer” la gali doonto mooshinka xilka looga xayuubinayo.

Madaxweynaha Brazi Dilma Rousseff ayaa wacad ku maraysa inay dagaal “ dheer” la gali doonto mooshinka xilka looga xayuubinayo, ee aqalka hoose ee dalkaasi uu Axaddii u coddeeyay, kaasoo imika aqalka Senate-ka lo gudbiyay, iyadoo lagu eedeyanyo musuqmaasuq.

Rousseff ayaa sheegtay inay haysato awood ku filan, xoog iyo geesinimada loo baahan yahay inay ku wajahdo arrintaas, inkastoo ay aad uga murugoodatay cadaallad darradan.

Rousseff ayaa sheegtay inaan dhulka la dhigi doono, oo aanay oggolaan doonin in arrintan ay curyaamiso, iyadoo wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka, sidii ay markii horeba u soo dagaallantay.

Madaxweynaha Brazil ayaa hadalkan ay mooshinkaas uga soo horjeeda ka jeedisay shir jaraaid oo TV-yada laga tabiyay xalay oo ISniin ahayd.

Dilma Roussef, ayaa hadallo kulul u dirtay madaxweyne kxigeenka Michel Temer, oo hore ay saaxibo siyaasadda kuwad ajira u ahaa, kaaso isau hoggaaminaya awooda ka danbeysa mooshinka xilka looga xayuubinnayo.

Aqalka hoose ayaa 367 cod moshinka xilka kaxayuubinta ugu coddeeyay, iyado ay diideen 137 mudane.

Mooshinka ayaa imiaka la yaalla aqalka Senate-ka, oo isagu qorsheynaya inuu cod u qaado bisha danbe.

XS
SM
MD
LG