Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'ado Deeq Gaadhsiiyey 60 Kun oo Qof


Abaaraha Geeska Afrika
Abaaraha Geeska Afrika

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha ee Soomaaliyeed ayaa sheegay inay deeq gaarsiiyeen ilaa 60 kun oo qof oo waxyeelo ka soo gaadhay abaaraha ku dhuftay gobollada qaarkood.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adahaasi ayaa lagu sheegay in deeqda la bixiyey ay iskugu jirtay bariis, digir iyo saliid iyo cunnooyin kale, waxayna sheegeen in cunto qeybintu bilaabatay toddobaad ka hor.

Madaxa Hay’adda Laanqayrta Cas ee Soomaaliya Raich Curcó ayaa sheegay in duruufaha adag ee ay dadku ku jireen ka hor abaarta ay sii kordhiyeen saamaynta.

Gobollada laga qaybiyey gargaarkan ayaa hay’aduhu sheegeen inay ka mid yihiin Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag, waxaana la filayaa inay kaalmadaasi ay dadkaasi gaadhsiiso ilaa bisha Juun.

Tan iyo sanadkii 2014kii, ICRC waxay gobolada abaartu saameysay ka dhistay11 ceel, 15 berkado, 10 ceel-gacmeedyo iyo 5 warood oo lagu keydsado biyaha roobka, sida lagu sheegay war saxaafaeedkaasi.

XS
SM
MD
LG