Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doodda Musharaxiinta Xisbiga Dimoqraadiga


Musharaxiinta madaxtinimada xisibiga Dimoqraadiga ee dalkan Maraykanka ee kala ah, mudanaha ka tirsan aqalka Senate-ka ee laga soo doorto gobolka Vermont iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa xalay doodi ku dhex martay magaalada New York, ka hor in aanay gobolkaasi toddobaadka soo socda ka dhicin tartanka horudhaca ah ee xisbigaasi.

Labada masuul ayaa hadallo adag isku weydaarsaday dooddoodii xalay taaso uu midba kan kale su’aalo ku weydiinayay.

Sanders, oo dhowaan sheegay in Clinton aanay u qalmin in ay madaxweyne noqoto, ayaa sheegay in Hillary ay leedahay khibrad ay ku qaban karto xilka madaxwenenimada, laakiin uu su’aal ka keenay sida ay wax u qiimeyso.

Clinton ayaa ku eedeysay Senders inuu wado olole uu been kaga sheegayo. Clinton ayaa sheegtay in dadka reer New York ay laba goor iyad u doorteen seneter madaxweyne Obana uu u magacaabay in ay noqoto xoghayaha arrimaha dibadda

XS
SM
MD
LG