Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Mamnuucday Baabuurta Muraayadaha Madow


tinted car
tinted car

Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray amar dadka looga mamnuucayo gaadiidka isticmaala muraayadaha madow, kuwaasi oo ay sheegeen inay amniga halis ku yihiin.

Taliyaha booliiska Puntland Jeneraal Cabdrisaaq Maxamuud Yuusuf Afgaduud ayaa sheegay in babauurta murayaadha bacaha madow ay ku xiran yihiin lagu qaado dadka wada falalka amni darro, ama qaraxyada la qarinayo.

Taliyaha ayaa sheegay in baabuurtaas loo ogol yahay kaliya inay isticmaalaan madaxda sare ee Puntland sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamanka.

Taliyaha ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qof kasta oo aan u hoggaansamin amarkan.

Nuux Muuse Birjeeb ayaa wartbixintan Garoowe ka soo diray.

Puntland oo amar soo saartay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:02 0:00


XS
SM
MD
LG