Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-Badeed Lagu Xukumay Faransiiska


Burcad badeed
Burcad badeed

Maxkamad ku taalla dalka Faransiska ayaa 7 Soomaali burcad-badeed ah ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 6-15 sannadood.

Maxkamad ku taalla dalka Faransiska ayaa 7 Soomaali burcad-badeed ah ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 6-15 sannadood, iyagoo lagu helay inay sanadkii 2011 badda Gacanka Cadmeed ka afduubteen dooni, isla markaana dileen nin Faransiis ah oo waday doonidaas.

Chirstian Colombo iyo xaaskiisa Evelyne ayaa ku jiray safar ay dunida ku kala bixinayeen, markii doonidoodii ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah.

Burcad-badeedda ayaa dilay Christian, kadibna maydkiisa badda ku tuuray, kadibna waxay afduub ahaan u qabsadeenn xaaskiisii Evelyne Colombo. Ciidamo Spanish ayaa maalmo kadib haweenaydaas ka soo bad-baadiyay burcad-badeedda, iyagoo howgalkaasi ku soo qabtay 7 burcad-badeedda ee xukunka lagu riday.

Farxaan Cabdisalaam Xasan iyo Axmed Cabdullahi, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, waxaana la sheegay inay ahaayeen kuwa qora dadka burcad-badeedda ka mid noqda.

Farxaan Maxamuud oo da’diisu yarayd wakhtigi la qabtay ayaa isaga lagu xukumay 6 sano oo xabsi ah.

Dacwad-oogayaasha Faransiiska ayaa doonayay in 7 burcad-badeedda lagu xukumo ilaa iyo 22 sano oo xabsi ah.

XS
SM
MD
LG