Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia iyo Sudan Oo Heshiis Kala Saxiixday


Xasan Sheekh iyo Al-Bashiir
Xasan Sheekh iyo Al-Bashiir

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku jooga magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya oo lasoo gaarsiiyey VOA, ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay dhexmareen heshiisyo ay ka mid yihiin in la dhiso guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona xoojinta xiriirka labada dal.

Waxyaabaha labada dal ay ku heshiiyeen in iskaashigooda la xoojiyo, ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweyne Al Bashir, shacabka iyo dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida ay “u garab istaageen Soomaaliya xilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageeradaasi”.

Sidoo kale, waxaa heshiis iskaashi magaalada Khartoum ku kala saxiixdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Federaalka ee Suudaan. Labada Madaxweyne ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiskaasi.

XS
SM
MD
LG