Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyadii Brussels: Laba Qof Oo Dacwado lagu Soo Oogay Maanta


32 qof ayaa ku geeriyooday weerarkii Brussels.
32 qof ayaa ku geeriyooday weerarkii Brussels.

Laba qof oo lagu magacaabo Smail F. iyo Ibrahim F., ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira weerarkii Brussels.

Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa maanta sheegay in laba qof ay kusoo oogeen eedeymo la xiriira kaalintii ay ku lahaayeen qaraxyadii bishii tagtay ka dhacay magaalada Brussels, oo lagu dilay 32 qof.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska dacwad oogaha federaalka ee Belgium, ayaa lagu sheegay in labada qof ee dacwadaha lagu oogay ay kala yihiin Smail F. iyo Ibrahim F..

Labadan qof ayaa waxaa la sheegay inay guri u kireeyeen mid ka mid ah raggii fuliyey weerarka, halkaasi oo uu isku qarin jiray.

Booliiska ayaa illaa iyo hadda qaraxyadii Brussels u xiray lix qof oo uu ku jiro Mohamed Abrini, oo ah nin kaamirada garoonka diyaaradaha ee qaraxa lala beegsaday ay qabatay isaga oo la socda laba qof oo is qarxiyey.

Abrini waxaa sidoo kale lala xiriiriyey inuu ku lug lahaa weerarkii bishii November ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo lagu dilay 130 qof.

XS
SM
MD
LG