Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Ka Tirsanaan Jiray Shabaab oo Xalay Lagu Dilay Laascaanood


Shabaab
Shabaab

Cabdullaahi Maxamed Axmed (Carabeey) ayaa dablay hubaysan ay dhowr xabo kaga dhufatay madaxa xilli uu sii galayey masaajid ka yaalla Laascaanood.

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in fiidnimadii xalay dablay huubaysani ay dileen nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed (Carabeey) oo hore uga tirsanaa ururka al Shabaab ee ka dagaalama meelo ka mid ah Soomaaliya.

Dablay hubaysan ayaa dhowr xabo oo rasaas ah kaga dhufatay madaxa xilli uu sii galayey masaajid ka yaalla magaalada Laascaanood, sida ay dadka magaaladu u sheegeen idaacadda VOA.

C/laahi Maxamed Axmed (Carabeey) oo ayaa la sheegay in hadda ka hor laga soo qabtay deegaanka Xidhxidh ee gobolka Sool.

Waxaa wararku ay sheegayaan inuu muddo ku xidhnaa magaalada Hargeysa balse markii dambe cafis loo fidiyay.

Soo deyntiisa kadib waxaa uu deganaa magalaad Laascaanood halkaasi oo xalay lagu toogtay. Ma jirto cid sheeegtay mas’uuliyadda dilkan.

XS
SM
MD
LG