Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Dad Badan Oo U Codeyn lahaa Sanders


Bernie Sanders
Bernie Sanders

Bernie Sanders ayaa ah ninka dadka ugu badan ee Mareykanka ay u codeyn lahaayeen doorashada madaxweynaha, in ka badan dhammaan musharaxiinta kale.

Bernie Sanders ayaa ah ninka dadka ugu badan ee Mareykanka ay u codeyn lahaayeen doorashada madaxweynaha ee bisha November, in ka badan dhammaan musharaxiinta kale, sida ay muujisay daarasad cusub.

Daraasad ay sameeyeen AP-GfK oo lagu ra’yi uruuriyey 1076 qof, ayaa muujisay in 21 boqolkiiba dadka Mareykanka ay u codeyn lahaayeen Sanders, halka 41 boqolkiiba dadku ay sheegeen inay ka fakari lahaayeen inay u codeeyaan.

Hillary Clinton oo dhinaca xisbiga dimoqraadiga kula loolameysa Sanders ayaa kaalinta labaad ku jirta, ayada 50 boqolkiiba dadka Mareykanka ay u codeyn lahaayeen ama ka fakari lahaayeen inay u codeeyaan.

Ted Cruz iyo John Kasich oo ka mid ah musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa iyaguna 43 boqlkiiba dadka Mareykanka ay sheegeen ay u codeyn lahaayeen ama ka fakari lahaayeen inay u codeeyaan.

Donald Trump oo hoggaaminaya dhinaca xisbiga dimoqraadiga ayaa kaalinta ugu hooseysa ka galay ra’yi uruurintan oo 35 boqolkiiba kaliya dadka Mareykanka ay taageero u muujiyeen.

63 boqolkiiba dadka Mareykanka ayaa sheegay inaysan marnaba u codeyn lahayn Donald Trump.

XS
SM
MD
LG