Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Kulmiye Oo Cayriyey Xubno Sare


Mas'uuliyiinta Xisbiga Kulmiye
Mas'uuliyiinta Xisbiga Kulmiye

Xubnaha la ceyriyey ayaa ah guddoomiye ku xigeenkii labaad iyo kii sadexaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Xaaji Yusuf "Waabeeye" iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

Xisbiga Kulmiye ee Somaliland ayaa xisbiga ka caydhiyey guddoomiye ku xigeenkii labaad iyo kii sadexaad ee xibigaasi Maxamed Xaaji Yusuf " Waabeeye " iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye, Xasan Maxamed Cali "Gaafaadhi" oo u waramay Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa sheegay inay labadan xubnood ay ka hor yimaadeen islamarkaana ay waxba kama jiraan ka dhigeen go'aamadii ka soo baxay shirweynihii u danbeeyey ee xisbiga .

Maxamed Xaaji Yusuf " Waabeeye " iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa horey uga cadhoodhay shirweynihii xisbiga ee lagui doortay guddoomiye Muuse Biixi.

Afhayeenka waxa uu sidoo kale sheegay in labadan xubnood ay lumiyeen xaasanaddii xisbiga, taasi oo keeni karta in xilalka laga qaado ama ay xitaa waayaan xubinnimada xisbiga.

Afhayeenka xibigaasi Xasan Maxamed Cali "Gaafaadhi " ayaa u waramay Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Wareysi: Afhayeenka Xisbiga Kulmiye
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

XS
SM
MD
LG