Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Belgium: Kuwii Weeraray Brussels, France Ayay u Socdeen


Dacwad oogayaasha dalka Belgian ayaa maanta sheegay in shabakadda argagixada ee ka danbeysay weerarkii bishii November ka dhacay magaalada Paris ay qorsheynayeen weerar labaad oo ka dhaca dalka Faransiiska, laakiin ay bishii hore go'aansadeen inay weerarkaasi u weeciyaan magaalada Brusseles.

Weerarradii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels iyo goobta tareenada laga raaco ayaa waxaa ku dhintay 32 qof waxaana uu yimid maalmo ka dib markii ay boolisku xireen ninka tuhunka ugu weyn looga qabay weerarkii Paris ee Salah Abdeslam.

XS
SM
MD
LG