Isku xirrada

Muqdisho: Dad Loo Xiray Weerar Hoobiye


Hoobiyeyaashii lagu fuliyey weerarka xalay. (Sawirka Radio Muqdisho)

Hoobiyeyaashii lagu fuliyey weerarka xalay. (Sawirka Radio Muqdisho)

Weerarkii xalay ayaa waxaa ku naf waayey saddex qof oo shacab ah iyo 15 kale, oo qaarkood ay xaaladdoodu liidato.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay baabuur iyo dhowr qof oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerar hoobiye oo xalay ka dhacay magaalada caasimadda ah.

Afhayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya, Cabdi Kaamil Macallin Shukri ayaa VOA-da u sheegay in afar qof ay ka dambeeyeen weerarka, islamarkaana gacanta lagu hayo qaar ka mid ah.

Waxa uu sheegay in is-rasaaseyn ay dhex martay ciidamada amniga iyo kooxa weerarka fulisay, halkaas oo hal askari iyo laba ka mid ah dableyda ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka ayaa xusay in markaa kadib dableyda ay isku dayday inay baxsato oo ay isku dhex qariyaan isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo looga daba tagay laguna soo qabtay.

Weerarkii xalay ayaa waxaa ku naf waayey saddex qof oo shacab ah iyo 15 kale, oo qaarkood ay xaaladdoodu liidato.

Warkan waxaa magaalada Muqdisho kasoo dirtay weriyaheena Seynab Abuukar.

XS
SM
MD
LG