Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dad Ku Dhintay Weerar Hoobiye


Muqdisho
Muqdisho

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday weerar hoobiye oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hobiyayaasha oo illaa lix ahaa, ayaa ku dhacay xaafado ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, oo ka tirsan degmada Xamarweyne, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Hoobiyayaashan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 13 qof, oo qaar ka mid ah ay xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

Dhammaan hoobiyeyaasha, oo la ruemysan yahay in loola dan lahaa madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha dowladda, ayaa ku dhacay guryo iyo goobo ay dad shacab ah ku sugnaayeen.

Dadka khasaraaha uu soo gaaray ayaa dhammaantood ah dad shacab ah.
Weerarada hoobiyeyaasha ayaa dhowaanahan kusoo badanayey magaalada Muqdisho, ayada oo inta badan dadka weeraradan fuliya ay baxsadaan.




XS
SM
MD
LG