Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxootiga Kakuma oo ka Cabanaya Kufsi


Xero Qaxooti
Xero Qaxooti

Mid ka mid ah hooyooyinka daggan xeradasi, ayaa sheegtay in habeenkii oo dhan aanay gam’in cabsi darteed.

Xerada Qaxootiga Kakuma ee ku taala dalka Kenya ayaa dadka ku jira waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin uu kufsi ugu weyn yahay oo ay sheegaan in beryahan dambe ay ku soo korortay xeryaha.

Xerada Kakuma ayaa waxaa ku jira qaxooti badan oo ka kala yimid waddamada dariska la ah Kenya, sida Soomaaliya, Sudan iyo Ethiopia.

Soomaalida daggan xerada oo qaarkood VOA la hadlay ayaa sheegaya in marka uu gabalku dhaco ay la soo daristo cabsi wayn oo ka qabaan in guryahooda ay u soo dhacaan rag hubeysan oo ay sheegayaan inay gabdhaha kufi kula kacaan.

Mid ka mid ah hooyooyinka daggan xeradasi oo aan magaceeda u qarinay sababo xagga ammaanka ah ayaa sheegtay in habeenkii oo dhan aanay gam’in cabsi darteed.

Caasho Ibraahim Aadan ayay khadka taleefanka ee Kakuma ku warysatay hooyadaas, waxna ka weydiisay dhibaatadan haysata.

Qaxootiga Kakuma oo ka Cabanaya Kufsi
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00

XS
SM
MD
LG