Isku xirrada

Greece: Muhaajiriin iyo Booliis Isku Dhacay


Muhaajiriinta ku sugan dekedda Piraeus.

Muhaajiriinta ku sugan dekedda Piraeus.

Xiisad ayaa ka dhex kacday muhaajiriinta ku sugan dekedda Piraeus ee dalka Greece iyo mas’uuliyiinta dalkaas oo doonaya inay muhaajiriinta u raraan xerooyin kale.

Qiyaastii 4,700 oo qof oo muhaajiriin ah ayaa ku sugan dekeddaas oo ah tan ugu weyn dalka Greece, halkaasi oo maanta iska horimaad uu ka dhacay.

Dhacdo ay kaamirada qabatay, ayaa muujisay wiilal dhallinyaro ah oo ka mid ah muhaajiriinta oo waddada bartamaheeda fariisteen ayaga oo mudaaharaad sameynaya, taasi oo hogaamisay inuu xanibmo isu socodkii baabuurta, iyo isku dhac dhex maray ayaga iyo saraakiisha dekedda.

Sidoo kale, qof kale oo mudaaharaad sameynayey, ayaa canug yar ku dhegay kadibna madaxiisa saaray, intii uu socday isku dhaca. Booliiska ayaa ka qabtay canuga oo aan wax dhib ah gaarin, waxayna baarayaan dhacdadan.

Isku dhacan ayaa imanaya laba maalmood kadib markii mas’uuliyiinta Greece iyo Midowga Yurub ay billaabeen inay qiyaastii 200 oo muhaajiriin sharci darro ah dib ugu celiyaan dalka Turkiga.

XS
SM
MD
LG