Isku xirrada

IMF oo Ammaantay Dowladda Somalia


Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sameysay horumar weyn oo dhinaca maaliyadda ah.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sameysay horumar weyn marka ay noqoto tallaabooyinka ay qaadeyso ee ay ku aas aaseyso xiriirka ay la leedahay hay’adaha maaliyadda adduunka.

IMF ayaa shaaca ka qaaday arbacadii in madaxa howl-gallada IMF, Rogerio Zandamela uu mas’uuliyiinta Soomaaliya kula kulmay magaalada Nairobi intii u dhaxeysay 30-kii March illaa Shantii April, sii uu ugala hadlo barnaamij diiradda lagu saarayo siyaasado lagu hormarinayo maamulka iyo maareynta dhaqaalaha dowladda, iyo hay’adaha maaliyadda.

Barnaamijkan oo loo soo gaabiyo SMP, ayaa ah heshiis aan rasmi ahayn oo ka dhaxeeya dowlad iyo IMF, si hay’adda lacagta adduunka ay ula socoto fulinta barnaamijka dhaqaalaha dalka.

Zandamela ayaa kadib kulankii uu la qaatay mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa uu sheegay indadaalada Soomaaliya ee dib loogu dhisayo qeybaha bulshada iyo dhaqaalaha ay miro dhalayaan, ayada oo dhaqaalaha dalka uu sanaddii 2015 kordhay 3.7 boqolkiiba.

Si kastaba, waxa uu sheegay in burburka ka dhalanaya dagaalada iyo amni darrada ay hor-istaagayaan in dhaqaale badan ay dowladda ururiso, islamrkanaa ay adeeg gaarsiiso shacabkeeda.

Zandamela ayaa ku warramay in barnaamijka SMP uu ujeedkiisu yahay in la billaabo isbeddel weyn oo lagu sameeyo lacagta Soomaaliya, si sare loogu qaado la xisaabtanka cad ee howlgallada dowladda, islamarkaana la xoojiyo la socoshada iyo sharciyeynta bankiyada Soomaaliya.

Hase yeeshee, Zandamela ayaa qiray in billaabidda barnamaijkan uu weli yahay mid aan hubneyn, waxaana uu sheegay in hindisahan loo gudbin doono mas’uuliyiinta IMF dhammaadka bisha May ee soo socota, si looga fakaro.

XS
SM
MD
LG