Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafti Masri ah oo Booqanaya Somaliland


Waxaa la filayaa in waftigan ay maalmaha soo socda heshiis is faham la saxiixdaan qaar ka mid ah wasaaradaha Somaliland.

Wafti ka socda dawladda Masar oo uu hogaaminayo kaaliyaha wasaarada arrimaha dibedda dalka Masar ee arimaha Africa, ayaa booqasho ku jooga Somaliland.

Waftigan oo ka kala socda in ka badan shan wasaaradood ayaa kulamo la yeelanaya mas’uuliyiinta Somaliland iyagoo isla maantana booqasho ku tagay magaalo xeebeedka Berbera.

Waxaa la filayaa in waftigan ay maalmaha soo socda heshiis is faham la saxiixdaan qaar ka mid ah wasaaradaha Somaliland, inkasta oo aan weli la ogeyn noocyada heshiiska ay labada dhinac gaari doonaan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil ayaa wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uga warramay ujeedada waftigan ay u joogaan Somaliland.

Wafti tagay Somaliland
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00

XS
SM
MD
LG