Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Ay Aafeysay Miinada Oo Baaq Diray


Maanta waxay ku began tahay maalinta caalamiga ah ee ku baraarugga waxyeelada Miinda.

Maalintan ayaa waxaa bishii December ee sanadkii 2005-tii asteeyey Golaha Guud ee Jimciyadda Qarumaha ka dhaxeysa, iyagoo ku dhawaaqay in 4-ta bisha April sanad walba la isku baraarujiyo waxyeelada miinada, islamarkaana la qaado tallaabooyin wax looga qabanayo dabar goynta waxyeelada miinada.

Meelaha laga xusay maalintan waxaa ka mid ah Magaalada Muqdisho , laakiin dadka ay Miinooyinku naafeeyeen ee Muqdisho ku sugan si ka baddalan sidii sanadihii hore kama aanay qeyb galin munaasabaddaasi, waxaana ay iyagu si gaar ah u yeesheen kulan ay baaq dowladda iyo hey'adaha arrimahaasi qaabilsan ugu dirayeen.

Cali Aadan waa nin dhallinyaro ah oo Miino ku qaraxday ay araga iyo Gacmahaba tirtay. Wariyeheenna Jacfar Kukay ayaa wareystay, waxaanu ugu horreyn ka warramayaa waxa uu kulankoodu ku saabsanaa.

Xuska maalinta Miinooyinka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

XS
SM
MD
LG