Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qabri-wadareed Laga Helay Maagaalada Palmyra


Saraakiisha dalka Syria ayaa sheegay in ciidamadu ay ka heleen qabri wadareed magaalada Palmyra oo dhawaan ay ciidamada xukumadda Assad dib uga qabsadeen maleeshiyada ururka Daacish.

Masuuliyiintu waxey sheegeen in Qabrigaasi ay ku aasnaayeen meydadka ilaa iyo 40 qof, oo ay ku jireen dumar iyo sadax caruur ah.

Ciidamada Assad ayaa magaalada Qadiimiga ah ka qabsaday ISIS Axaddii la soo dhaafay.

Palmyra, oo ku jirta liiska goobaha taariikhiga ah ee Hey’adda Seyniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yiradhdo UNESCO, ayaa horey u aheyd magaalo ay u dalxiis tagaan kumanaan kun oo qof sanad walba.

ISIS ayaa magaaladaa ka qabsatay ciidmada dowladda dagaal maalmo socday bartamihii bishii May ee sanadkii 2015kii, iyagoo markii dambana burburiyay – dhismooyin badan oo la dhisay xilligii boqortooyadii Romanka, muddo ku dhawaad 2,000 oo sanadood haatan laga joogo.

XS
SM
MD
LG