Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korea-da Waqooyi oo Gantaal Kale Tijaabisay


Tijaabadan ayaa muujineysa xiisad sii kordheysa oo u dhaxeysa Pyongyang, Seoul iyo isbaheysiga reer galbeedka ee Korea-da Koonfureed.

Warbaahinta dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay in Korea-da Waqooyi ay xeebta bari ee dalkaas ku tijaabisay gantaal kale, taasi oo ah tijaabadii ugu dambeysay dhowr tijaabo oo ay sanadkan sameysay.

Tijaabadan ayaa muujineysa xiisad sii kordheysa oo u dhaxeysa Pyongyang, Seoul iyo isbaheysiga reer galbeedka ee Korea-da Koonfureed.

Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap ayaa sheegtay in gantaalkan ay tijaabisay Korea-da Waqooyi loo riday dhinaca badda Japan.

Wasaaradda gaashaandhigga Korea-da Koonfureed ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijisay tijaabadan, hase yeeshee waxa ay sheegtay inaysan xog dheeri ah ka hayn inta uu la eg yahay riddada gantaalkan.

Korea-da Waqooyi ayaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan sameysay dhowr tijaabo, ayada oo ka jawaabeysa cuna qabateeno cusub oo QM ay saartay, sababo la xiriira barnaamijkeeda hubka nuclear-ka.

XS
SM
MD
LG