Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Museveni Oo La Xaqiijiyey


Madaxweyne Yoweri Museveni
Madaxweyne Yoweri Museveni

Maxkamadda sare ee dalka Uganda ayaa taageertay dib u doorashada madaxweyne Yoweri Museveni ee doorashadii dhacday 18-kii Febraayo ee sanadkan.

Maxkamadda ayaa diiday codsi ka yimid ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, islamarkaana ahaa musharaxa madaxweyne Amama Mbabazi.

Guddiga doorashada dalkaas ayaa 20-kii Febraayo ku dhowaaqay in Museveni uu ku guuleystay 60 boqolkiiba codadka, halka Kizza Besigye oo kaalinta labaad galay uu ka helay 30.5 boqlkiiba codadka.

Mbabazi ayaa weydiistay maxkamadda inay nasakhdo natiijada, sababo la xiriira in guddiga doorashada aysan u hoggaansamin xeerarka doorashada dalkaas.

Hase yeeshee inkasta oo maxkamadda ay qirtay inay jiraan qaladaad dhacay, haddana waxay sheegtay inaysan saameyn ku yeelan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada, si ay taasi ugu cudur daarto in la nasakho doorashada.

XS
SM
MD
LG