Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaabiis Laga Soo Saarayo Guantanamo


Saraakiil magacyadooda qariyey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan laba dal ay ogolaadeen inay aqbalaan maxaabiistan.

Saraakiisha Milatariga Mareykanka ayaa u sheegay aqalka Congress-ka inay qorsheynayaan in darsan maxaabiis ah ay kasoo wareejiyaan xabsiga Guantanmo Bay ee gacanka Cuba.

Saraakiil magacyadooda qariyey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan laba dal ay ogolaadeen inay aqbalaan maxaabiistan.

Mid ka mid ah maxaabiista lasoo wareejinayo ayaa ah Tariq Ba Odah oo ah 37 jir u dhashay dalka Yemen, oo tan iyo sanaddii 2007 lagu quudinayey si qasab ah, kadib markii uu cuntada ka soomay. Tariq ayaa iminka ah kaliya 33 KG, kadib markii uu lumiyey bar ka mid ah culeyskiisa.

Waxa uu ka mid yahay 91 maxbuus oo weli lagu hayo xabsiga Guantanamo oo uu furay madaxweyne Bush si loogu xiro dadka lagu tuhmayo argagixisanimada.

Illaa 37 ka mid ah maxaabiista iminka ku jira xabsiga ayaa waxaa loo ogolaaday in dalal kale dib u dejin loogu sameeyo, waxaana ka mid ah Tariq.

Maxaabiista ugu horreysa ayaa la filayaa in xabsiga laga soo saaro maalmaha soo socda, ayada oo qaar kalena lasoo saari doono toddobaadyada soo aadan.

XS
SM
MD
LG